Lafa beelka (osteoporosis) waa xanuun ku dhaca lafaha, waxuu sababaa in awooda lafahu ay daciifaan ama ay khafiifaan taasoo keeni karta in laftu ay jabto xataa hadii inyar la qaloociyo. Laftu waa noole sida xubnaha kale ee jirka, waxayna ubaahan tahay unugyo cusub si ay ubadalaan kuwii hore, hadii aysan jirin unugya cusub oo badala kuwa duqoobey waxaa dhacaya marxalada loo yaqaan lafa beel. Xanuunkaan waxuu ku badanyahay dumarka.
Maxaa sababa lafa beelka:
Sida aan kor kusoo xusnay marka aysan jirin isu dheelitirnaan u dhaxaysa badalka unugyada duqoobay iyo kuwa cusub ayaa ah sababta koowaad ee xanuunkan, dumarka uu ku yar yahay hormoonka loo yaqaan estorojin, ragga uu ku yaryahay hormoonka loo yaqaan testosteron iyaduna waa sababi karaan xanuunka, hadii uu qofka cunin ama qaadan kalsiyam kufilan ama ay ku yaraato iyana waa sabab kale oo uu xanuunkan yeelan karo. Waxyaabaha kale ee uu xanuunkaan ku imaan karo waxaa kamid ah;
- da’da (markii lasii duqoobaba waxaa sii bata jaaniska uu xanuunkan ku imaan karo)
- Dadka caatada saaidka ah ama nafaqo daradu hayso,
- Hadii qaar kamid ah qoyskaaga ay qabaan iyaduna waa siyaadin kartaa jaaniska aad ku heli karto. Meelaha ugu badan oo uu saameeyo waxaa kamid ah sinta, curcurka iyo laf dhabarta.
Calaamadaha Raadiga:
Bilowga xanuun kaan malahan wax calaamad ah oo u gaar, ah. Balse marka dhumacda lafaha ay yaraadaan waxaa soo ifbaxa calaamado ay ka mid yihiin,
- Dhabar xanuun
- Lafta oo si fudud ku jabta
- dhererka ama dhumucda lafta oo yaraata.
Daawada:
waxaa jira daawooyin lagu daweeyo xanuunkaan, waxaana hagaagsan inaad dhakhtar booqato markaa dareento xanuunkan.
Talo:
Cun cunooyin isu dheeli tiran si aad uga hortagto nafaqa daro, samee jimicsi waxay daawo aan la dhayal san karin u tahay lafaha iyo jirkoo idil, sidoo kale booqo dhaqtar hadii aad gaartay xiliga dhalma joojinta oo aadna isku aragtid lafa xanuun.
mahadsanid wll
ReplyDelete