Magaalooyinka ugu da'da weyn taariikhda caalamka


Magaalooyinka ugu faca weyn taariikhda 

Waxaa jira in kabadan hal magaalo oo taariikh ahaan soo jireen ah, sida magaloyinkaan  oo kale

1.Jericho

Magaalada Jericho waxay soo bilaabatay sanadkii 9000 dhalashadii Ciise ka hor, waxay ku taalaa Falastiin, waxay leedahay ahmiyad weyn taariikhda hore, waxayna caan ku ahayd wax soo saarka beeraha

2.Magaalada Byblos

Magaalada Byblos ee Lubnaan waxay dib ugu laabatay sanadkii 5000 ee dhalashadii Ciise ka hor, magaaladuna markii horaba waxay ahayd xarun kalluumeysi, ka dib dhaqdhaqaaqeeda ganacsigu wuu kobcay sababo la xiriira istiraatiijiyadda ay ku taal dekeddeeda, maadaama ay dhoofin jirtay alwaax kedar ah iyo noocyo kale oo qoryo ilaa Masar ayay gaarsiin jirtay, dadkii deganaa waxay caan ku ahaayeen samaynta maraakiibta.

  • 3.Magaalada Argos

Magaalada Argos ee ku taal Griiga waxay soo bilaabatay sanadkii 5000 BC, waxayna ka mid ahayd magaalooyinkii ugu caansanaa jaziiradda Peloponnese ilaa laga adkaaday Spartans, waxayna dib u soo ifbaxday xilligii Byzantine, ka dibna Turkida ayaa la wareegay.

4.Magaalada Xalab

Magaalada Xalab waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu faca weyn Suuriya iyo adduunka oo dhan, maadaama ay soo bilaabatay sanadkii 4300 dhalashadii Ciise ka hor, muhiimad weynna ay u lahayd sababo la xiriira meesha ay ku taallo ee istiraatiijiga ah,waxayna ku taalaa marinka ganacsiga, iyo Badda Mideterraine waxayna dhacdaa Galbeedkeeda, Webiga Furaatna wuxuuna xuduud la leeyahay bariga, waana mid ka mid ah taariikhihii ugu muhiimsanaa ee soo mara magaalada

  • Qalcaddii ay dhisteen Carabtu, taas oo muujinaysa xooggooda iyo xakameyntoodii xilligii hore
  • Masjidka Weyn ee Xalab.
  • Xusuusin: Xalab waxay ku faani jrtay inay ahayt xilligii dowladdii Cusmaaniyiinta maadaama ay ahayd xarunta dhaqaalaha.

5.Magaalada Shushan, Iran

Magaalada Shushan ama Susa ee dalka Iiraan waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn taariikh ahaanna waxay soo bilaabatay sanadkii 4300 dhalashadii miilaadiga, waxayna ku taal meel 250 KM u jirta webiga Tigris, waxaana lagu daray liiska UNESCO ee meelaha dhaxalka.

6.Magaalada Siidoon

Magaalada Siidoon waxay soo bilaabatay sanadkii 4000 dhalashadii miilaadiga, waxayna ka mid ahayd magaalooyinkii Foyniyaanka, waxaana la burburiyey xilligii Saliibiyiinta kadibna dib ayaa loo dhisay, waxaana xilligii dowladdii Cusmaaniyiinta soo nooleynta magaalada laga soo laabtay 1517. AD, iyo qarniyadii toddoba iyo tobnaad iyo siddeed iyo tobnaad waxaa la wareegay xoogaggii Faransiiska, oo ay ka celiyeen Cusmaaniyiintu 1791 AD.

7.Magaalada Athens

Magaalada Athens ee Griiga waxay soo bilaabatay sanadku markuu ahaa 4000 dhalashadii miilaadiga, waxay caan ku ahayd beeraha iyo ganacsiga, dadka degan waxay caan ku ahaayeen farshaxanka, dhismaha iyo waxbarashada, waxaana ku burburay weerar ay soo qaadeen reer Faaris, ka dibna waa la dhisay. [1] Waxaa xusid mudan in Athens ay tahay caasimad taariikhiga ah

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.