Faa iidoyinka uu leeyahay Ba bay ga

 

Qormadaan waxaannu kaga hadli doonnaa babaayga muhiimadda uu u leeyahay caafimaadka iyo waxyaabaha uu u roon yahay si dadka ay uga faa`iideystaan

1. Macaanka: inkastoo Babaygu  uu macaan yahay hadana waxaa uu la dagaalama cudurka sonkorowga ama kaadi macaanka, dadka aan qabin cudurkaan si ay uga hortagaan waxay badsan karaan cunista babayga.

2. Difaaca jirka: Babaayga waxa ku badan Vitamin C-ga, wuxuu xoojiya shaqada unugyada difaaca jirka, una saamaxa in cudurrada iyo waxyaabaha waxyeellada leh ee jirka dibada kaga imanaya uu si fiican isaga difaaco.

3. Caafimaadka indhaha: Babaayga waxaa ka buuxo fitamiin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, Babaayga wuxuu hoos u dhigaa khatarta caadka indhaha fuulo ee loo yaqaano “Cataract”, Babaayga, Yaanyada iyo Karootada waa 3-da cunto ee la isku raacsan yahay yahay in laga helo caafimaad buuxo ee indhaha.

4. Cayilka: Babaaygu wuxuu u roon yahay dadka doonaya inay iska ridaan cayilka madaama u ka mid yahay cuntooyinka dhakhso lagu dhargo.

5. Caado Wareerka: Babaayga aan aad u bislaanin wuxuu ka qeyb qaataa caado soo saarka, waxaana lagu la dardaarmaa haweenka caadada ka istaagi rabto (Babayga waad jarjarnaysaa, kadib malab saafi ah ayaad ku darsanaydaa, oo qaaddo ayaa ku cunaysaa).

6. Calool Fadhiga: Babaaygu wuxuu daawo u yahay calool fadhiga, laab-jeexa iyo dheefshiid xumada maama uu yareeyo aashitada caloosha.

7. Xiiqda: Babaaygu wuxuu u fiican yahay dadka qabo sanboorka iyo xiiqda ama neefta maadama uu hoos u dhigo walxaha kiciyo allergy-ga.

8. Gaaska: Babaaygu caloosha wuu bixiyaa wuxuuna yareeyaa acid-ka caloosha, dheefshiidkane wuu wanaajiyaa, laakiin liin dhanaan iyo sokor haku darin.

9. Welwelka iyo diiqada: Cilmi-baaris lagu sameeyay jaamacadda Alabama ee dalka Mareykanka ayaa lagu arkay in babaaygu hoos u dhigo diiqada iyo welka.

10. Maqaarka iyo timaha: babaaygu wuxuu hodan ku yahay vitamin A, wuxuu koriyaa timaha, waxaana uu la dagaalamaa agoolka (dandruff). maqaarka wuu iftiimiyaa wuxuuna ka qaadaa unugyada dhintay. Waxaa laga sameeya kareemyo iyo shaambooyin

11. Findoobka: geedka babayga waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “papain” taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid, babayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darin, markuu cajiin oo kale noqdo ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac ah.


Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.